Suxufiyiin sawirro ka qaadayay goob la qarxiyey oo lagu laayey qarax labaad (Daawo Sawirro)

Qaraxyo mataano ah oo ka dhacay magaalada Kabul ee caasimadda dalka Afghanistan ayaa maanta dilay ugu yaraan 26 qof, oo ay ku jiraan suxufiyiin badan. Ugu yaraan 50 qof oo kale, oo ay ku jiraan shan suxufi, ayaa lagu dhaawacay qaraxyada.

Kooxda Daacish ayaa wakaaladdeeda wararka ee Amaq ku sheegtaya mas’uuliyadda weerarka oo ahaa kii ugu dhimashada badnaa oo lagu qaado shaqaalaha warbaahinta dalka Afghanistan.

Laba suxufi, oo ay ku jirto Mahrram Durran oo ka tirsaneyd Radio Free Europe, ayaa sidoo kale ka mid ah dadka dhintay. Wakaaldda wararka AFP ayaa sidoo kale xaqiijisay inuu dhintay sawir qaadeheedii ugu weynaa ee Kabul, Shah Marai. Sidoo kale laba shaqaale kale oo ka tirsanaa RFE ayaa la dilay.

Taleefishinka Afghanistan ee 1 TV News ayaa sidoo kale xaqiijiyey in weerarkii maanta lagu dilay laba ka mid ah shaqaalahooda.

Mas’uuliyiinta Afghanistan ayaa sheegay in weerarka uu dhacay markii qof ismiidaamiyey oo wata mooto uu isku qarxiyey meel u dhow xafiiska hay’adda sirdoonka dalkaas, iyadoo Markii warbaahinta ay ku soo xoomeen goobta uu qof kale is qarxiyey, taasoo keentay dhimashada badan ee weriyeyaasha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
 

 

 

- Advertisement -